Barcelona oo ka baxday qorsho ay ku iibineysay Antoine Griezman

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inaysan dooneynin inay iska iibiso Antoine Griezmann inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararkii u dambeeyay ayaa soo jeedinaya in 29 jirkaan loo isticmaali karo culeys dhaqaale ee Barca kusoo celineyso Neymar garoonka Camp Nou.

Griezmann ayaa dhaliyay 14 gool 37 kulan uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, Manchester United ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay inay xiiseyneyso xiddiga reer France.

Sikastaba, sida laga soo xigtay Marca, Barcelona ma iiibin doonaan haatan Griezmann in kasta oo ay xiiseynayaan Neymar iyo Lautaro Martinez.

Warbixinta ayaa sheegeysa in ololihii Griezmann ee La Blaugrana ay lagu daray waqti kale, iyadoo weeraryahankii hore ee Atletico Madrid uu qaadan doono doorkiisii xili ciyaareedka soosocda.

Qandaraaska haatan ee Griezmann kula jiro kooxda ka dhisan Camp Nou wuxuu dhacayaa 2024.