Madaxweyne Ku-xigeenka Mamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kulan kula qaatay Guddiga Gurmadka ee Gobolka ay Puntland u taqaano Gadafuu.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulankan warbixin uga dhegaystay Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gadafuu, oo Madaxweyne ku-xigeenka la wadaagay halka ay wax u marayaan iyo sida uu u socdo, Qorshaha loogu gurmanayo Gobolka Gardafuu oo ay saameyn xooggan ku yeesheen Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland.
Ugu danbeyna Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash ayaa bogaadiyay Shaqada socota iyo dadaalka loogu gurmanayo Gobolka Gardafuu.



