Barcelona oo heshay bedel uga fiican Samuel Umtiti

Barcelona ayaa u weecatay Horyaalka Premier League inay kasoo qaataan bedelka daafacooda Samuel Umtiti…

Iyada oo ay jiraan hakad la galiyay horyalada, islamarkaana la joojiyay dhaqdhaqaaqayadii isboortiga haddana suuqa kala iibsiga ayaa wali ah mid aad loo hadalhayo, madaama madaxda Barcelona aysan ka quusan rajadoodii xagaaga.

Wiilasha Quique Setien ayaa hogaaminaya horyaalka, iyagoo labo dhibcood ka sareeya Real Madrid oo ku jirta kaalinta labaad. Waxaa wali 11 kuan u ka harsan yahay xilli ciyaareedka, laakiin hal shay ayaa hubaal ah, kaasoo ah in Barcelona looga baahan yahay shaqo adag hadii ay doonayaan inay ku dhameystaan kaalinta koowaad ee horyaalka xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Catalans waxay leeyihiin istiraatiijiyad maskaxda ay ku hayaan sida uu qabo Sergi Sole oo ah wriye ka foolooda arimaha Barcelona.

Waxaa jira tuhun ah in Barcelona ay u dhaqaqeyso Aymeric Laporte suuqa xagaaga si uu u noqdo bedelka Samuel Umtiti.

Daafaca reer France ayaa haatan u ciyaara kooxda Man City.

Laporte waa daafac wanaagsan oo kubada aad ugu fiican, mararka qaar xitaa wuxuu leeyahay awood uu kula dagaalamo weeraryaanada ugu fiican adduunka.

Haddii Barca ay ku guuleysato saxiixa Laporte, markaas waxa ay noqon doontaa in la ska fasaxo Samuel Umtiti .

Umtiti waa daafac weyn laakiin nasiibdarro kuma niro qorshaha Setien, sabab la xiriirta rikoorkiisa dhaawaca.

25 jirka Laporte ayaa loo arkaa mid boska kusoo daafaca Barcelona kula dagaalami kara Clement Lenglet sanadaha soo socda.