Ciyaaryahan hore ee xulka Qaranka Somalia oo u geeriyoodey Coronavirus

Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa Maanta ku geeriyoodey Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kooxdii Batroolka Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq),kaas oo siweyn looga yaqaaney Soomaaliya iyo Caalamka.

Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu la xanuunsanayey Cudurka Coronavirus oo dad badan ay u dhinteen,isla markaana ugu dambeyn uu ku geeritoodey Isbitaal ku yaalla Magalada london.

Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) ayaa Bilihii u dambeeyey waxaa uu ahaa falanqeeye Kubadda Cagta ah,isaga oo qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ka falanqeyn jirey Ciyaaraha.

Dad u badan mas’uuliyiin ayaa ka tacsiyadeyey geerida Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq).