Cudurka Coronavirus ayaa kusii faafaya dalal badan oo caalamka ka mid ah, ayada oo la xaqiijiyey in ka badan 5,000 oo qof oo cudurkaas u geeriyooday.
Cudurkan ayaa sidoo kale soo gaaray dalka Soomaaliya, ayada oo dawladda federaalka Soomaaliya ay maanta xaqiijisay in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka CoronaVirus.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in kiiskan laga helay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, qofkaasi oo lagu hayo meel gaar ah.
Hadaba Dr. Mustafa Cali Maxamed oo wax ka barta dalka Iran ayaa sharaxaya waxa lagu garto Cudurka iyo sida looga hortegi karo.