Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la hadlayay Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ee ku sugan Afmadow ayaa sheegay in Soomalaiya ay leedahay hal cadow kaas oo ku sheegay inay yihiin Al-Shabaab.
Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay deegaannada Jubbaland ka wado howlo burburin ah,isla markaana ay dooneyso inay kala furfurto Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.
Waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda ay la soo xiriireen Madaxda Dowladda Taliyaha Ciidamada Afmadow,isla markaana lacagta uu horey taliyaha u sheegay uu la socdey xilliga ay soo gaartey balse uu si geesinimo leh u diidey qorshaha ay wateen.
Ugu dambeyn Axmed Madoobe oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in maranaba aysan aqbaleyn in Saraakiisha iyo Ciidamada la furfuro si ay iyaga isku weeraraan waa sida uu hadalka u dhigey.
“Waxaad maqasheen in Saraakiisha Ciidamada Jubbaland la isku dayey in khalalaaso laga dhex abuuro oo la kala furfuro,deegaannadii nabdoonaa ayaa dowladda Ciidamada ay tabareen Turkiga & Mareykanka kusoo daabuleen,halkii ay shabaab la dagaalami lahaayeen,mayeeleyno in Ciidankeyga lacag lagu siiyo afganbigayga yauu yiri”Axmed Madoobe.




