Dagaal dhex-marey Ciidanka dowladda & Al-Shabaab

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kaas oo u dhaxeeyey Ciidanka Dowladda iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidanka Dowladda ku leeyihiin degmadaasi Afgooye,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socdey in ka badan hal saacadood.

Dadka degmada Afgooye qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaarey dalkaas,hayeeshee aysan cadeyn karin maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii halkaasi ka dhacay.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidanka Dowladda ay wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.