Diyaarad Gaar ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Dhusamareb ka qaaday Hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaaca , Macalin Maxamuud Sh Xassan Faarax.
Hoggaamiyaha Ahlusunna ayaa kusii jeedda Magaalada Gaalkacyo oo uu Garowe iyo Nairobi uga sii gudbi doono.
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah xubno ka mid ah Ururka Ahlusunna ee gobolada dhexe.
Waxa uu xalay ka badbaaday in diyaarad looga soo qaado Magaalada Dhuusamareeb ka dib markii ay diideen Ciidanka xoogga iyo Odayaasha dhaqanka.



