Zidane oo diidan in David De Gea uu yimaado Real Madrid

Zinedine Zidane ayaa u sheegay Real Madrid inay isaga tanaasusho xiisaha dheeraaday ee ay u qabto David De Gea.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Los Blancos ayaa dadaal dheer ugu jirto sidii ay xagaaga soo aadan ula soo wareegi laheyd gool-hayaha Manchester United.

Taas baddelkeeda, Zidane ayaa taageeray in qandaraaska loo kordhiyo Keylor Navas, kasoo qaab cayaareed la amaanay soo bandhiggay.

Si waliba, talladan ka dhanka ah De Gea ee uu Zizu u jeediyay madaxda Real Madrid ayaan weli go’aan laga gaarin, laakiin marka la eego sida ay Man United ugu dheggan tahay shabaq-ilalaliyahan reer Spain ayaa waxaa dhici karta in Los Blancos ay beddesho hadafkeeda,yana aaminto Navas.