Shalay ayay kooxda Manchester United usoo dirtay dalka Spain Matt Judge si uu usoo dhameystiro saxiixa laacibka kooxda Barcelona ee Yerry Mina.
Red Devils ayaa ay ku adkaatay inay gacanta ku dhigto difaacyada ka ciyaara Premier League-ga ee kala ah Toby Alderweireld iyo Harry Maguire.
Sidaas darteed, dookh kale oo ka qiimo jaban ayay u aragtaa Mina, kaasoo suuqii jiilaalka yimid Camp Nou.
Mundo Deportivo ayaa werrineysa in difaaca reer Colombia uu aqbalay ku biiritaanka kooxda United, isagoo heshiis afka ah la gaaray.
Barca ayaa dooneysa inay xiddiggan ku iibiso £75m, taasoo culeys kale ku noqonaysa kooxda Jose Mourinho inay wajahaan lacagta sidaas u xooggan.
Yerry Mina ayaa bishii January ku gaaray kooxda Barca qiimo dhan £10m, balse waxa uu fursad ka waayay ka hoos ciyaaridda Ernesto Valverde.



