Xulka Croatia oo uga badiyay 2-1 xulka England una soo gudbay ciyaarta finalka

Xulka Croatia ayaa markii ugu horeysay  u soo gudbay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha adduunka kadib markii ay 2-1 uga badiyeen xulka England waxaana ay la ciyaari doonaan xulka Faransiiska ciyaarta kama dambaysta ah.

Xulka Ingiriiska ayaa daqiiqadii 5aad waxa ay heleen gool uu u dhaliyay daafacooda Kieran Trippier iyadoo  goolkana uu ahaa laad xor ah.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ay ku dhamaatay 1-0 iyadoo labada xulba  ay iska qasaariyeen fursado goolal loo fishay.

Hase yeeshee ciyaartoyda xulka Croatia ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta dadaal badan muujiyay waxana ugu dambeyntii daqiiqadii 68aad ay heleen gool ay ku barbareeyeen waxana u  dhaliyay ciyaaryahanka garabka uga ciyaarayay ee Ivan Perišić.

90kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah waxaana lagu daray 30 daqiiqo.Qeybtii dambe ee soddonka daqiiqo lagu daray ciyaarta ayaa xulka Croatia waxa ay dhaliyeen goolkii guusha waxaana u dhaliyay Mario Mandzukic.