Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay baaq qaran oo degdeg ah, kaddib abaaro daran oo ka taagan qeybo badan oo dalka ah, kuwaas oo si ba’an u saameeyay nolosha dadka iyo xoolaha, isla markaana sababay khasaare naf iyo mid dhaqaale.
Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in abaartu ay ka dhalatay roob la’aan baahsan, taas oo keentay in dad iyo duunyo tiro badan ay ku jiraan xaalad halis ah.
Sida lagu caddeeyay warbixinta, abaartu waxay saameysay in ka badan 74 degmo, halka 4.8 milyan oo qof ay wajahayaan cunto yari ba’an, kuwaas oo ay ku jiraan 200,000 qof oo xaaladdoodu tahay mid degdeg ah.
Xukuumaddu waxay sheegtay in abaartu si gaar ah u saameysay nolosha miyiga, xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, iyadoo dhibaato weyn ku noqotay helitaanka biyo nadiif ah, cunno, iyo adeegyada aasaasiga ah. Waxa kale oo la tilmaamay in carruurta, haweenka, iyo dadka nugul ay yihiin kuwa ugu daran ee ay dhibaatadu saameysay.
Golaha Wasiirrada ayaa baaq u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ganacsatada, qurbo-joogta, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibada caalamiga ah, si ay uga qeyb qaataan gurmad degdeg ah oo lagu badbaadinayo dadka ay abaartu saameysay.



