Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Hiiraan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo wada hawlgalo lagu baacsanayo Al-shabaab ayaa deegaanka Abaar Cano-weyn oo u dhexeeya deegaanka Yasooman iyo degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan.

Weerar dhabagal ah oo ay ka fuliyeen ayaa waxaa ay ku dileen maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab oo watay gaari nooca Cabdi-bile ah.

Hawlgalka ayaa waxaa lagu gubay gaarigiiay wateen, waxaana lagu dilay maleeshiyadii saarnaa, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, Kornayl Cali Cagey.

 

Ciidanka hawlgalkan fuliyay ayaa si nabad ah ugu soo laabtay goobihii ay weerarka ka qaadeen, iyagoo la wareegay hubkii ay wateen argagixisadu.