Xubintii toddobaad ee guddiga doorashooyinka Soomaliland oo la Ansixiyay

Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah ansixiyay xubintii todobaad ee komishinka doorashooyinka.

Saciid Maxamed Cismaan oo dhawaan ay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay usoo u gudbiyeen madaxweynaha Somaliland, madaxweynuhuna uu u gudbyay baarlamaanka ka dib markii u saxeexay ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray gudiga doorashooyinka oo la filayo in ay dhowr bilood kadib qabtaan laba doorasho oo kala ah mida madaxtooyada iyo tan ururada.

Dhamaystirka gudiga doorashooyika ayaa u muuqata mid loogu diyaar garoobayo  doorashoo oo muranka uu ka taagnaa ee Soomaaliland balse heshiis lagu gaarayin ay dhacaan13-ka bisha Nufeember.