Xubin ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gobolka shabeelada Hoose

Sarkaal  ka tirsanaa Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka Gorgor ay ka fuliyeen duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/Hoose,

Taliyaha Ururka 1-aad ee Gorgor Cabdisalaan Jaamac Xasan ayaa xaqiijiyay howlgalka lagu dilay ninkaas.

Sakariya Cqaadir shabeeloow oo dhinaca sirdoonka ugu qaabilsanaa Alshabaab ahaana madax qaraxyada Alshabaab ee degaanka Bariire ayaa lagu dilay hawlgalkaas

Dhinaca kale Cabdullahi Xuseen oo ka tirsanaa  Alshabaab ayaa lagu qabtay aagga tuulada Shiiqow-Gaab oo u dhow deegaanka Mesegawaay ee gobolka Galgaduud, isagoo alaab ka qaadanaya goob  Alshabaab gabaad u aheyd, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaana soo qabtay ninkaan oo sheegay in labo sano uu ka tirsanaa Alshabaab .