Xubin ka tirsan Alshabaab oo lagu bmagacaabo Cabdi Maxamed Caraaye oo Magaca Alshabaab looga yaqaano uu yahay (C/rashiid) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Buula -Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.
Ninkan ayaa muddo 14 sano ah ka mid ahaa Alshabaab wuxuu u qaabilsanaa Gobolka Shabeellada hoose.
Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay isasa soo dhibeen xubno badan oo ka tirsan Alshabaab .



