Agaasimaha waaxda adeegga sirta Maraykanka Kimberly Cheatle ayaa xilkaa iska casishay, sababo la xiriira habacsanaan dhanka ammaanka ah oo la xiriirta isku daygii dil ee dhawaan loo geystay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump,sida ay ilo-wareedyo u sheegeen CNN.
Adeegga Qarsoon ee Maraykanka waa hay’ad federaal ah oo hoos timaada Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka, iyada oo shaqadeedu tahay baaritaanka dembiyada iyo ilaalinta hoggaamiyeyaasha siyaasadda Maraykanka, qoysaskooda, iyo madaxda booqashooyinka ku taga Mareykanka.
Waaxda Adeegga sirta Maraykanka Dhawaan waxay la kulmeen fadeexad weyn , markii iyagoo ilaalo ka haya goob uu hadal ka jeedinayay la isku dayay in la dilo Trump, taas oo ugu dambeyntii keentay madaxii hay’adan in ay is casisho.



