Xoogsatadii Dekada Muqdisho oo baaq u diray Madaxda DF

Muqdisho-RisaalaFM- Xoogsatadii Dekada Muqdisho 2014-kii laga eryay oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay baaq u direen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen sidii Dekadda looga eryay in ay weli banaanka u joogaan, iyaga oo sheegay in ay muhiim tahay in ay ku soo laabtaan shaqadoodii hore, maadaama dad iska danyar ay yihiin.

Madaxda weynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo Masuuliyiinta kale ee Dowladda ayay ka dalbadeen in lagu soo celiyo shaqadooda, ayna yihiin dad badan oo shaqo la’aan heysa, Dekadana ay ka xoogsan jireen.

“Waxaan nahay niman Dekada ka shaqeyn jiray, cadaalad daro ayaa shaqada nalooga eryay, waxaan u sheegeynaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirada in ay wax ka qabtaan dhibaatada na heysata” Ayay yirahdeen qaar ka tirsan xoogsatada oo warbaahinta la hadlay.

Shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka howlgala Dekada Muqdisho ayaa hada ah, kuwo aad u yar oo kooban, tan iyo markii maamulka Dekada lagu wareejiyay shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga, ee lagu magacaabo Albayrak.