Xoghayaha Guud ee QM oo Markuu Muqdisho soo gaaray Qeylo dhaan diray

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay haysato dhibaato culus oo ay sababeen Abaaraha ka jira Soomaaliya , islamarkaana Adduunka looga baahan yahay in ay Sameeyaan Gurmad.

Waxaa uu sidoo kale Xusay Qaramada Midoobey in ay laba jibaari doonto Gargaarka ay gaarsiinayso dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay u dhimanayaan Gaajo iyo sidoo kale Haraad, islamarkaana dalalka Adduunka laga doonaayo in aysan in dhaha ka qarsan.

Cudurka Shuban biyoodka ayuu sheegay in ay u dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed.

Guterres oo xilkaan qabtay 1-dii January 2017 ayaa safarkiisa uu maanta ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado dalka, tan iyo markii xilkaan uu qabtay.

Safarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku yimid Magaalada Muqdisho, ayaa ku soo aadaya iyadoo guud ahaan dalka Somaliya ay ka jirto xaalad Qatar ah oo dhanka Abaaraha ah.