Xisbiyada Siyaasadda oo ka digay faragelinta doorashada Jubbaland

Xisbiyada Wadajir, UPD, Himilo Qaran, Xisbiga Nabadda Kutlada Badbaado Qaran ee Baarlamaanka ayaa War-saxaafadeed ay siwadajir ah u soo saareen ayaa waxaa ay kaga hadleen doorashada Jubbaland.

Xisbiyada ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen Dowladda  federaalka oo ay shegeen inay faragelin ku heyso howlaha doorashooyinka ee k socda Dowlad goboleedka Jubbaland, iyaga oo dowladda ugu baaqay in sugida Amniga ay uga dambeeyaan Jubbaland.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay uga digayaan dowladaha deriska qaarkood inay farageliyaan arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo soo ifbaxayaan dhaq dhaqaaqyo Cusub oo shaki abuuri kara sidii ka dhacday Magalada Baydhabo oo aan ka mid aheyn waajibaadkooda .

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiyada.