Xisbiga Sheekh Shariif”Waa Nasiib darro in Xukuumadda Dagaalka argagixisada ah ka dhigato GABBAAD SIYAASADEED”

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmd ayaa waxaa looga hadlay marxalada siyaasadeed uu xiligan marayo dalka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

“Waa Nasiib darro in Xukuumadda maanta jirta ay Dagaalka kooxaha argagixisada ah ka dhigato GABBAAD SIYAASADEED oo looga dhuunto sheegista fashilka Siyaasadda iyo Hoggaanka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xukuumadda Federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay  ay aad ugu mashquulsantahay siyaaasad ku dhisan hanti-boob, kala sooc, awood marooqsi, fogayn, cabburin siyaasadeed iyo aamusinta saxaafadda xorta ah.

“Sidaa daraaddeed, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa dhaqamada ka baxsan anshaxaha siyaasadda iyo wadajirka bulshada oo ay caadeysteen xubno ka tirsan xukuumadda kuwaas oo u bareeray kaddib markii ay ku fashilmeen masuuliyaddii loo idmaday inay isku xiraan aragtiyaha siyaasadeed ee xorta ah iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.:” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Bayaankka Xisbiga ayaa waxaa dowladda Soomaaliya loogu digayaa in dagaalka kooxaha argagixisada ah ay xukuumadda maanta talada haysa ka raadiso cimri dheereysi iyo marmarsiiyo ku xadgudubka siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamul xumada baahsan ee dalka aafaysay, sida uu xisbiga ku sheegay qoraalkooda.

Halkan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeed oo dhameystiran:-

Xi