Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in maalinta Axada ahoo 8-da October ay ku beegan tahay uu furmayo shirka Maamul goboleedyada, kaasi oo ka dhacaya magaalada Kismaayo.
Kulanka Golaha Wasiirada oo maanta Khamiis ah ka qabsoomay magaalada Kismaayo oo uu shir guddoominayay Madaxweyne (Axmed Madoobe) ayaa hadalkan lagu shaaciyay.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in uu marti gelin doono Shir u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda si xal looga gaaro khilaafka soo shaac baxay.
Dhanka kale Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal uga jirta sidii ay u baajin laheyd shirka lagu wado in uu ka furmo Magaalada Kismaayo.
Madaxda maamulada ayaa dowladda ka qaatay Go’aan mid ah ka dib markii lagu eedeeyay Xukuumadda Xasan Cali Kheyre in ay faragelin ku heyso maamulka Galmudug, waxaana Madaxweynayaasha maamulada ay taageereen Axmed Ducaalle Geelle.



