Xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo la shaaciyay

Jowhar-RisaalaFM- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay Doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle in ay dhaceyso 12-ka bisha September ee sanadkan, kadib markii wadatashi iyo talowadaag ka yeesheen baahida loo qabo in la buuxiyo jagada banaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamuud Xuseen Yuusuf oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socdaan arrimaha ku aadan qaban qaabada Doorashada, waqtiga Doorashada loo qabtayna ay ku dhici doonto.

Warqad ay soo saareen Guddigan ayaa waxaa musharixiinta Madaxweynaha loogu sheegay mudo 7 maalmood ah in ay ku soo gudbiyaan warqadahooda araajiga ee ay ugu tartamayaan xilka Madaxweynaha.

Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa khudbadahooda waxa ay xildhibaanada Baarlamaanka ka horjedin doonaan 10-ka ilaa 11-ka bisha September ee sanadkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa shalay magacaabay Guddiga Doorashada oo 9 xubnood ka kooban, kuwaasi oo ka shaqeynaya arrimaha Doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar bartamihii bishan ayaa riday Madaxweynihii xilka hayay Cali C/laahi Cosoble, wuxuuna Dastuurka KMG ah ee Hirshabeelle dhigayaa in mudo 30 maalmood gudahooda lagu soo doorto Madaxweyne cusub.