Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaaban doonta 24-ka Bishan, sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi.
Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa warbaahinta u sheegay Doorashada Aqalka Sare in 24-ka Bishan oo ku aadan sabtida soo socota ay ka bilaaban doonto Magaalada Muqdisho.
Waxa ay sheegeen hada meel wanaagsan in ay marayaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka Gobolada Waqooyi ee ka socda Magaalada Muqdisho.
Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay u diyaar garoobeysaa Doorashooyin, waxaana Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay howlan yihiin siyaasada iyo arrimaha Doorashooyinka, xilli dalka hada ay ka jiraan Abaaro xoogan.


