Xilliga ay bilaabaneyso Doorashada Aqalka Hoose ee K/Galbeed

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed, Mudane C/qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa shaaca ka qaaday in maalinimada berri ah ay Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ka bilaabaneyso doorashadaa Xubnaha Aqalka Hoose ee dowladda Soomaaliya u matalaya maamulkaas.

Mudane C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashada xubnaha aqalka hoose ay bari ka bilaabaneyso magaalada Beydhabo, si loo dar dar galiyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka.

Maanta ayey aheyd in magaalada Beydhabo ay ka bilaabato doorashada xubnaha Aqalka Hoose balse arimo farsamo aawgeed ayey dib ugu dhacday, waxaana la filaa in maalinimada berri ah ay ergada u dhaqaaqaan goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan xildhibaano tayo leh oo ka soo dhalaali kara waajibaadka qaran ee dalka.