DHAGEYSO: Hargeysa: 4 Qareen oo la xukumay

Hargeysa-RisaalaFM- Maxkamada Gobolka ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun isugu jira xadhig iyo ganaax ku riday Afar Qareen oo ku gudo jiray dacwad ku socotay kaaliyeyaal ka tirsanaan jiray maxkamada.

Gudoomiyha maxkamada Gobolka ayaa VOA u sheegay in ay xubnahani kiciyeen dadweynihii fadhiga maxakamda dhagaysanayay, islamarkaana ay ka dalbadeen inay maxkamda rabshaan.

Qareenadan la xukumay oo kala ah 1. Daahir Maxamed Faarax 2. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud 3. Xuseen Maxamed Fadal iyo 4. Jaamac Cali Ismaaciil ayaa ururka qareenadu xadhigooda ku tilmaameen sharci darro.

Gudoomiyaha Qareenada Soomaaliland oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in si qalad ah lagu xiray 4-ta Qareen.