Kismaayo-RisaalaFM- Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminyay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jimsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Wafdiga General Koofi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, Waxgarad iyo xubno kale.
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jimsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Kismaayo inta uu joogo waxa uu kormeeri doonaa xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, isagoo sidoo kale kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta Jubbaland.
Safarka Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jimsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) uu ku tagay Magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka ah safaro maalmihii u dambeeyay uu ku tagayay Magaalooyinka qaar ee Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.



