Jurgen Klopp ayaa dooneynin inuu si cad uga hadlo dhab ahaanshaha dhaawaca Sadio Mane, laakiin waxa uu si maldahan u sheegay in xilli ciyaareedkiisa uu soo dhamaan karo.
Xiddiga Liverpool Mane ayaa dhaawac ku baxay intii uu socday kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Everton, taasoo keentay cabsi ah in gooldhaliyaha ugu sareeya uu haatan seegi karo inta ka harsan xilli ciyaareedkan.
Inkastoo uu Klopp isku dayay inuu yareeyo cabsiga laga qabo dhaawaca Mane laakiin hadana waxa uu qirtay: “Ma ahan mid niyadsan”
“Ma ahan boqolkiiba boqol wax cad. Waa inaan yara sugnaa wax yar. Waxaan si hubanti ah u sheegi karaa inuusan diyaar aheyn kulanka berri.
“Ma ahan dhaawaciisa mid niyadsami laga qabo. Laakiin ma sheegi karno waxa uu dhaawaca yahay.”
Si kastaba, Mane ayaa mari doona baaritaano dheeri ah maalmaha soo socda si loo ogaado inta uu la egyahay dhaawaciisa.
Iyadoo Klopp uu qirtay inuu duceysanayo, laakiin hadana waxaa laga yaabaa in weeraryahankiisa ugu saameynta badan inuusan ciyaarin inta ka hartay xilli ciyaareedkan.



