Cadaado-RisaalaFM– Kulan maanta magaalada Cadaado ay ku yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay kaga doodeen mooshinka ka yaalla guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed.
Xildhibaano gaaraya 36 ayaa maalin kahor waxa ay mooshin ka dhan ah guddoomiye Xareed u gudbiyeen Cali Gacal Casir oo xildhibaano ku shiray maalmo kahor Dhuusamareeb ay sheegeen inay isagaba xilka ka qaadeen.
Xildhibaanada Galmudug ayaa Xareed waxa ay ku eedeeyeen inuu meel kaga dhacay dastuurka Galmudug, ku tumashada xeer hoosaadka iyo inuu gabay waajibaadkiisa shaqo.
Cali Gacal Casir oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen ilaa 48 mudane ayna u codeeyeen xilka qaadista guddoomiye Xareed Cali Xareed, islamarkaana aanay jirin cid ka aamustay.
Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Galmdud kadib markii ay laba u kala qeybsameen madaxda maamulkaasi, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa maanta ku baaqday in arrintan si qoto dheer looga wada hadlo.



