Xildhibaanadii xilka ka qaaday Madaxweyne Guuleed oo kulan u socdo

Xildhibaanadii sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kulan waxaa uu uga socdaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Kulankaan ayaa lagu soo waramayaa in xildhibaanada ay uga hadlayaan arimo khuseeya Xaalada Galmudug oo ay ka mid tahay xil ka qaadistii ay sheegeen in ay ku sameeyeen Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa horay u sheegay in kulanka ugu horeeya ee ay yeeshaan ay ku magacaabi doonaan Guddi doorasho , inkastoo aan si cad loo qeexi karin waxyaabaha ay ka hadlayaan xildhibaanada.

Mudanayaasha uu kulanku u socda ayaa sheegay in ay warbaahinta ay usoo bandhigi doonaan waxyaabaha kasoo baxa kulanka.