DHAGEYSO: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Shaqaalaha gobolka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta kula la qaatay shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar , waxaana uu kala hadlay howsha ay u hayaan maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in Shaqaalaha dowladda Hoose ay shaqo badan u hayaan bulshada ,islamarkaana looga baahan yahay in ay dardargeliyaan Howshooda.

Waxaa uu sidoo kale Tilmaamay in shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen Abaaraha.

Sidoo kale dadka haysta hantida dowladda hoose ee Xamar ayuu ka codsaday gudoomiye Madaale in ay kusoo celiyaan gacanta maamulka.

Kudhawaad 100 shaqaale ku meel gaar ahaa ayaa sidoo kale uu xusay in maanta laga bilaabo ay ka mid yihiin shaqaalah Rasmiga ah ee maamulka Gobolka Banaadir.

Shaqaalaha dowladda Hoose oo qaarkood lacagta isqaata aana soo xaadirin shaqada ayuu tilmaamay in maanta waxii ka dambeeyay.