Xildhibaanada Somaliland oo doortay Gudoomiye Baarlamaan

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland, ayaa doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib markii saaka doorasho ay ka dhacday hoolka Xildhibaanada ay ku shiraan Magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland.

Fadhiga Golaha Wakiilada ayaa waxaa soo xaadirtay 77 Xildhibaan, waxaana Xildhibaanada ay u kala codeeyeen Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan C/raxmaan Talyanle.

Doorashada oo aheyd mid gacan taag ah ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, kadib markii uu helay codad gaaraya 39 cod, halka C/raxmaan Talyanle uu helay codad gaaraya 38 cod.

Sida muuqata doorashada ayaa waxaa lagu kala guulaystay oo kaliya hal cod oo labada musharax ay ku kala hareen, Baashana uu ku soo baxay.

Xildhibaanada Somaliland ayaa qaab gacan taag ah ugu codeeyay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Todobaad kadib ayaa la filayaa in la doorto Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somaliland.