Maydka wiil dhalinyaro ah oo badda ay soo tuftay, ayaa saaka lagu arkay aaga Kawaan Bari Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska Degmada Kaaraan.
Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska Degmada Kaaraan Xuseen Badmaceeye, ayaa u sheegay Warbaahinta wiilkaan dhalinyarada ah da’ ahaan inay ku qiyaasayaan 20 sano jir.
“Cunug yar oo dhalinyaro ah oo labaatan jir aan ku qiyaasnay oo cad badda ayaa soo tuftay wajiga dhan waa ka fiiqan yahay, calaamadihii lagu aqoon lahaa dhan malahan, kawaan Bari agtiisa qorax u soo baxa, meesha Kaysaney agtiis ah ayaan ku aragnay saaka halkii saac markii ay aheyd ayaa dadka ii soo sheegeen.” Ayuu yiri Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska Kaaraan.
Taliye ku xigeenka ,ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in wiilkaan dhalinyarada ah oo watay buumo kaliya badda ay qaateen, isaga oo mayd ahna ay soo tuftay.
Wuxuu tilmaamay maydka marxuumka in loo qaaday xarunta dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed ee CID, halkaasi oo lagu diiwaangelinaayo maydka, sawirana looga qaadaayo.
Illaa hadda ma kala cadda marxuumka saaka aroortii inay badda qaatay, iyo in shalay galab ay qaaday badda, balse saaka un ayaa la arkay maydkisa oo xeebta yaalla.
Laba todobaad ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale wiil yar oo badda ay soo tuftay maydkiisa laga helay xeebta Geel laq ee Degmada Xamar weyne.



