Musharraxa Mucaaridka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in hadii uu noqdo Madaxweynaha dalka Kenya doorashada 8-da Bishaan ka dhaceysa Dalka Kenya in aqoonsan doono maamulka Somaliland.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya uu si gaar ah u tixgalin doono , Somaliland uu u aqoonsan doono dal Madax banaan oo ku yaalla Geeska Afrika.
Waxaa uu sidoo kale xusay in Somaliland ay ka go’day Soomaaliya ,islamarkaana ay mudan la aqoonsado.
Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay sanadkii 1991 in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayna yihiin dowlad madax banaan.
Dhanka kale Musharraxa Mucaaridka Kenya ee Raila Odinga waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya uu lasoo bixi doono,maadaama uu sheegay in ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.
Waxaa uu tilmaamay in ciidamo badan oo Kenyaan ay ku dhinteen Soomaaliya,islamarkaana dowladda ilaa iyo hadda aysan wax faahfaahin ka bixin geerida Ciidamadaasi.
Odinga waxaa uu ahaa Ra’isalwasaaraha Kenya markii Ciidamada Kenya ay soo galayeen Soomaaliya,waxaana amarka ay ku soo galeen bixisay Xukuumaddii uu Ra’isalwasaaraha ka ahaa.
Al-Shabaab ayaa sheegay in hadii dowladda Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya in ay nabad gelin doonaan.



