Xildhibaanada baarlamaanka koofur galbeed ayaa ku kala qeybsamay ansixinta wasiirada cusub ee uu magacaabay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaanada qaarkood ayaa si cad u sheegay in balamihii lala galay loogu baxay sidaasi darteedna aysan ansixin doonin wasiirada cusub ee la magacaabay.
Waxa ay tilmaameen qaarkood in ay muhiim ahayd in marka hore Shariif Xasan uu Magacaabo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Koofur galbeed.
Xildhibaan C/raxmaan Yacquub oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka koofur galbeed ayaa sheegay in ay jiraan kala aragti duwanaasho la xiriirta ansixinta iyo kalsooni siinta wasiirada cusub.
Waxa uu xusay in ay suurta gal tahay in baarlamaanka ay codka kalsoonida u diidaan wasiirada magacaaban ee maamulka koofur galbeed.



