Waxaa si rasmi ah u furmay Kulanka 2-aad ee kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
168 Xildhibaan ayaa goobjoog ka ah kulanka.
Xildhibaanada ayaa ka doodi doodaya xaalada amni ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka ayaa goobjoog ah kulanka.






