Xildhibaanada Golaha deegaanka G/Banaadir oo maanta lagu dhaarinayo Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelinaysa munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dhowaan lagu soo doortay doorasho qof iyo cod ah.

Tirada xildhibaanada la filayo in la dhaariyo ayaa gaaraysa 390 mudane, kuwaas oo la doortay 25-kii bishii December ee sanadkii hore, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka.

Munaasabadda dhaarinta ayaa lagu wadaa inay ka qabsoonto Xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ay goobjoog ka ahaan doonaan mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in xildhibaanadan cusub ay si degdeg ah u gutaan waajibaadkooda shaqo, si loo dardargeliyo adeegyada iyo maamulka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dib u dhaca ku yimid dhaarinta xildhibaanadan ayaa lagu macneeyay arrimo la xiriira dhameystirka dastuurka dalka iyo xaqiijinta sharciyadda goleyaasha deegaanka.

Dhanka kale, dowladda ayaa qorsheyneysa in doorashooyin qof iyo cod ah oo la mid ah kuwa Muqdisho laga qabtay laga hirgeliyo dowlad goboleedyada kale ee dalka, oo ay ka mid yihiin Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.