Kulanka Xildhibaannada 2-da Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka furmay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho , waxaana maanta la dhaariyay 17 xildhibaan.
Kulanka xildhibaanada Labada Aqal ayaa waxaa lagu magacaabi doonaa Guddiyo ka shaqeeya arrimaha Doorashada iyo xilliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.
27-kii Bishan ayaa Muqdisho lagu dhaariyay 283 Xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee dalka, waxaana dhiman xubno kale kuwaas oo aan qaarna wali la dooran halka kuwana lagu eedeeyay in ay ku soo baxeen qaab aan waafaqsaneyn sharciga Doorashada dibna loo celiyay.


