Ugu yaraan 21 ruux ayaa ku geeriyootay 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii qaraxyo mataano ah ay ka dhaceen Suuq ganacsig oo ku yaalo Bartamaha Caasimada dalka Ciraaq ee Baghdad, sida Saraakiisha ay sheegeen.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob ka mid ah Suuqa oo lagu iibiyo qalabka Gaadiidka, Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska dalka Ciraaq.
Majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaan Khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay caasimada dalka Ciraaq.
Qaraxyada ka dhaca dalka Ciraaq ayaa inta badan waxa ay dhibaato ka soo gaarta dadka shacabka ah, iyadoo bartilmaameedka uu yahay Askar ka tirsan Dowladda.
Mid ka mid ah qaraxyada dhacay ayaa waxaa la sheegay inuu isku soo xiray ruux isa soo miidaamiyay, kadibna uu halkaasi ku qarxay, sida laga soo xigtay Wasaarada Arimaha Gudaha dalka Ciraaq.
Qaraxa kale ayeey Saraakiisha u sheegeen inuu ahaa waxyaabaha qarxa oo la geliyay meel aanan sidaasi kaga fogeyn goobta qaraxa Ismiidaaminta ah ay ka dhacday.


