Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin uu ka badbaaday isku day dil, kadib markii qarax lala eegtay gaari uu watay.
Gaariga Guddoomiyaha ayaa maraayay inta u dhaxeysa Degmada Baydhabo iyo degaanka Daynuunaay, hayeeshe waxaa la sheegay in qarax lala eegtay xilli uu ku sii jeeday dhanka Magaalada Baydhabo.
Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyay gaariga markii uu gudbay, kadib inay qaraxday miinada oo Askar ka tirsan ilaalada Guddoomiyaha uu dhaawac soo gaaray.
Al Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxaasi uu ka badbaaday Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ayaa sheegtay inay dileen Askar ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaraya Shan Askari.
Shabaab ayaa inta badan qaraxyada miinooyinka noocaan oo kale ah u dhiga masuuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.


