Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankooda caadiga ahaa ku yeelanayaan xarunta Golaha Shacabka, sida uu qorshaha yahay.
Dhammaan xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wargeliyay in maanta uu jiro kulanka, kaasi oo ajandihiisa uu yahay ka doodista iyo go’aan ka gaarista heshiiska isdhaafsiga Maxaabiixta ee Soomaaliya iyo Hindiya.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in xildhibaanada ay isku diyaariyeen kulanka maanta ee looga hadlayo ka doodista iyo go’aan ka gaarista heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista.
Ciidamada Booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka hormara xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay aqoonsi weydiinayaan gawaarida wadooyinkaas isticmaalaya, si ammaanka loo adkeeyo.


