Xildhibaanada Aqalka Sare oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa ay xubnaha warbixin kaga dhageysteen Guddiyada kala ah Guddiga difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka sare iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Xiriirka dowlad goboleedyada ee Golaha Aqalka sare.

Warbixinta ayaa waxa ay la xiriirtay Muranka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo go’aanka dowladda dhexe ay qaadatay, kaasi oo ah in Doorasho Madaxweyne mudo 30 malmood gudahooda lagu qabto.

Sidoo kale warbixinta ayaa ku saabsaneyd duqeyntii ka dhacday degmada Jilib iyo sida ay u wajahday dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo la sheegay in ay ku dhinteen dad shacab ah.

Guddoomiyaha Guddiga difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka sare Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa warbixinta labada guddi ka hor aqriyay Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Aqrinta warbixinta ee labada guddi kadib ayaa qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Aqalka Sare waxa ay aragtidooda ka dhiibteen warbixinadii laga hor aqriyay.

Sidoo kale Xildhibaanada waxa ay dooda adag ka yeesheen Muranka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo go’aanka dowladda dhexe ay qaadatay.