Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Somaliland.
Doorashadan oo bilaabatay barkhanimadii saakay ayaa waxa ay socotay mudo saacado ah, maadaama mararka qaar muran iyo is qab qabsi uu soo kala dhexgalayay Ergada iyo xubno kale oo ku shaqa leh Doorashada.
Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu doortay Hal kursi oo keliya, maadaama Guddiga Doorashooyinka ay sheegeen in arrimo farsamo awgeed dib loogu dhigay xubno kale oo maanta la dooran rabay.
Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay Axmed Maxamed Jaamac, Fu’aad Axmed Maxamed iyo Cali Maxamuud Sheekh, waxaana Doorashadooda ay aheyd mid xiiso badan.
Axmed Maxamed Jaamac oo helay 22 cod, iyo Fu’aad Axmed Maxamed oo helay 15 cod ayaa u soo baxay wareega labaad, waxaana ugu dambeyn guuleystay Axmed Maxamed Jaamac oo helay 24 cod, halka Fu’aad Axmed Maxamed uu helay 21 cod.


