Paco Alcacer Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeyay ee Barcelona

Barcelona weeraryahankeeda Paco Alcacer ayaa ugu dambeyn dhaliyay goolkiisa koowad ee kooxda Barcelona, inkastoo goolkan uusan ahayn mid yimid tartan rasmi ah hadana waxay ahayd wax u wanaagsan weeraryahankan reer Spain.

Paco ayaa Camp Nou kaga soo biiray dhanka kooxda Valencia xagaagan, isagoona dhaliyay daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta kulankii saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen naadiga Al Ahli ee dalka Qatar.

Inkabadan 743 daqiiqo ayeey ku qaadatay in uu dhaliyo goolkiisa koowad ee kooxda Barcelona, waxaana la rajeynayaa in uu dhaliyo goolkiisa koowad ee kulan rasmi ah, maalmihiisa Bluagran.