Allaha unaxariistee, Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Khaliif C/llaahi Dheere oo katirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaankan 10-aad.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xildhibaanka uu xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay.
Xildhibaanka ayaa sadexdii maalin ee ina dhaaftay ku jiray Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaana uu geeriyooday xalay ugu dambeyntii.
Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullahi ayaa kasoo jeeday deegaanada Maamulka Koofur Galbeed .



