Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti) oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho oo xaaladdisa caafimaad lagula tacalayay.
Guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa xaqiijiyay geerida Xildhibaanka waxaana sidoo kale tacsiiyay Madaweynaha Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor.



