Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ka horyimid hishiiskii xalay ay kala saxiixdeen dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kaasi oo Puntland ku aqbashay nidaamka 4.5.
Xildhibaanada qaarkood oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in C/welli Gaas laga doonayo halka uu la aadayo hishiiskii uu la galay dowlada federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Burhaan Aadan Aw Cabdi oo warbaahinta la hadlay kana mid ah baarlamaanka Puntland ayaa sheegay ineysan marnaba aqbaleynin hishiiska ay kala saxiixdeen dowlada iyo Puntland.
”Waxa uu ku saxiixay UN-ka ayaa na yiri 2020 lagu galimayo ballanqaadkaan wuxuu la mid yahay kii Puntland loo saxiixay 2012, waxaana aan u aragnaa arrinkaas mid aan laga fiirsan, wax saamayn ahna kuma yeelanayo Puntland” Ayuu Yiri Xildhibaan Burhaan aw Cabdi.
Madaxwaynaha ayuu sheegay in Baarlamaanku doorteen uusan ku hadli karin afka shacabka oo shacabka wakiil ay ka yihiin mudanayaasha Baarlamaanka dawladda Puntland.