Cadaado-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay Mooshinka xilka looga qaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Xiisadan ayaa timid kadib markii xildhibaanada Galmudug kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado ku cadeeyeen in ay kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha Galmudug.
Xilka in laga qaado C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa ogolaatay 54 xildhibaan.
Ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug ayaa gabi ahaanba la soo daadiyay Magaalada Cadaado, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii xoogeysato xiisada u dhaxeya Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne Guuleed.
Shirka ay kal soonida kala laabteen Xildhibaanada Madaxweynaha Galmudug Waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.


