Xiisad u dhexeysa Maleeshiyaad oo ka taagan gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya degaanka Godod oo ka mid ah degaanada ku yaalla Waqooyiga gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug in ay ka taagan tahay degaankaasi.

Xiisada ayaa timid ka markii halkaasi Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda Puntland ay dileen nin ka mid ah xoolo dhaqatada Galmudug.

Ciidamo iyo sidoo kale Gaadiid dagaal ayaa lagu arkaya degaanka Godod iyo sidoo kale degaanada ku dhow sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Maleeshiyaadka ay Xiisado u dhexeyso ayaa ah Xoolo dhaqato.

Degaanka Godod ayaa inta badan waxaa ku dagaalama Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug oo xoolo dhaqato ah.