Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dagaal ka dhacay meel u dhow degmada Shilaabo ee gobolka Qorraxey ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaa uu dagaal uu ku dhexmaray ciidamada deegaanka iyo meleeshiyaad la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta u qaabilsan nabadgalyada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in meleeshiyaadkaas oo watay hub culus ay deegaanka ku dileen ilaa 12 qof.
Dayib Axmed Nuur Mas’uulyiinta Nabadgeluada degankas ayaa sheegay in ay jiraan dad siyaabo kale u adeegsanaya hubka dowladda Soomaaliya ugu tala gashay la dagaallanka Al-shabaab kuna dhibaateynaya dadka deegaanka.
Wuxuu sheegay in dilalka iyo dagaallada ka dhaca xadka ay wadaagaan Galmudug oo Soomaaliya ah iyo dowlad deegaanka ay soo noqnoqdeen dhankoodana ay qaadayaan tillaabooyin amniga lagu sugayo.



